Hantidhawrka guud ee Puntland oo dib uga noqday amar uu shalay soo saaray

Sida ay Warbaahinta PUNTLAND POST u xaqiijiyeen saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland dib ayuu hantidhawrka guud ee Dawlada Puntland uga noqday amar uu shalay soo saaray oo ku aadanaa in la xanibay Koontooyinkii lacagaha ee wasaaraduhu ku lahaayeen Bangiga dhexe iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay ilaa amar danbe.

Kadib kulan saaka ka dhacay aqalka madaxtooyada oo dhex maray Madaxweyne Cabdiweli Gaas, Gudoomiyaha hantidhawrka guud Jaamac Maxamed Cismaan iyo gudiga dhaqaalaha baarlamaanka Puntland ayaa la isku afgartay in hantidhawrku dib uga noqdaan go’aankoodii isla markaana loo ogolaado wasiiradii ay baarlamaanku xasaanada kala noqdeen inay shaqadoodii si caadiya usii wataan inta xukuumad cusub laga soo dhisaayo.

Madaxweyne Gaas ayaa Hantidhawrka guud iyo gudiga dhaqaalaha Baarlamaanka u sheegay inaysan macaquul ahayn in la xanibo koontooyinkii lacagaha ee Bangiga dhexe tan iyo inta xukuumad cusub laga soo dhisaayo ayna Dawladu mudada u baahantahay dhaqaale ay ku shaqayso.

Horayba Baarlamaanka Puntland ayaa hantidhawrka guud ugu dirqiyey inuu qaado talaabada uu ku xanibaayo koontooyinka lacagaha ee Banka Dawlada iyo xawladaha uga furan wasaaradaha kala duwan.

PUNTLAND POST