Madaxweynaha Puntland oo aqbalay go,aankii baarlamanku ku riday Wasiiradiisa

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa aqbalay go,aankii maanta baarlamanka Puntland ku kala direy golllaha Wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay inuu qodob dastuuriya yahay go,aanka uu qaatey baarlamanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mudada uu dastuurku u ogol yahay kusoo dhisi doono Golle Xukuumadeed isaga oo sheegay inuu la tashan doono Madaxweyne kuxigeenkiisa.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka iyo ciidamada Puntland inay ka wada qeyb qaataan ilaalinta Amniga.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay ka dhacdo Puntland in baarlamankeedu kala diro Gollaha Xukuumadda.

Daawo shirka jaraa,iid ee Madaxweynaha Puntland

Abshir Dhiirane

  • PUNTLAND POST