Xarumaha Ganacsiga Bosaso oo gabi ahaan maanta xiran

Bosaso-[Puntland Post] Goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa maanta inta badan xiran, sababo la xiriri ganacsatad oo ka cabanaya Cashuur lagu kordhiyeyc

Ganacasatada  ayaa sameeyay Mudaharaad ay ku joojiyeen dhamaan shaqooyinkoodii, waxeyna ka Cabanayaan Canshuur dheeraad ah oo dowladda Puntland  ku oso rogtay.

Canshuurta lagu soo rogay ayey sheegeen in aysan awood u lahayn, taas bilkastana wax lagu sii daro sidaas awgeedna aysan u dul qaadan karin.

Waxa jira shirar u socda qaar kamid ah ganacsatad Bosaso iyo masuuliyinta Rugta ganacsiga Puntland, mana jirto wax war ah o ka so baxay kulankasi.

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaan wali ka hadal arintan iyo sixir bararka xoogan ee ka jira deeganada Puntland oo saameeyey dadka danyarta ah .

Arrinta Canshuurta ayaa ah mid aan xal loo helin sanadihii ugu dambeeyay, waxaana markasta oo balan wada galaan dawlada iyo ganacsatada uu noqdaa mid aan hirgalin.

Goor dhaw la soco Muuqal aanu ka diyarinaya Mudaharadka ay dhigayan Ganacsatada Boosaso

 

Cabdiqani Boos

Puntland Post