Dibed bax ballaaran oo maanta ka dhici doona dalka Turkiga

Turkiga [Puntland Post] Tobanaan kun oo qof oo dibed bax samaynaya ayaa maanta gaari doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii ay socod kasoo billaabeen caasimadda Ankara oo 450 kilo mitir u jirta.

Mudaharaadka ayaa ka dhan ah dowladda madaxweyne Rajab Tayib Erdogan, waxaana lagu tilmaamay socodka cadaallada.

Dibed baxa oo bilowday ka dib markii la xiray xildhibaan mucaarad ah, ayaa waxa dadka mudaharaadaya ay diiddan yihiin kumannaan qof ee la xiray ama shaqada laga eryay wixii ka dambeeyay isku daygii afgembi ee sanadkii hore dalkaasi ka dhacay.

In ka badan 50,000 ayaa la xiray, halka 140,000 shaqada laga eryay ama laga joojiyay tan iyo markii ay qeybo ka mid ah ciidamada dalkaasi isku dayeen afgembiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay dibed baxa mid lagu taageerayo argagixisada.

Dadka mudaharaadaya ayaa tegi doona xabsiga lagu hayo xildhibaanka mucaaradka ah.

Cabdiqani Boos

Puntland PostÂ