Ciidamada PSF Puntland oo burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen buuraha Calmadow

Ciidamada PSF Puntland oo Afartii maalmoodkii ee la soo dhaafay howlgal balaaran ka waday buuraleyda Calmadow ayaa burburiyay 4 saldhig oo ay buurahaas ku lahaayeen kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Howgalkan ayaa ciidamada PSF Puntland ku beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku layaaheen qarar ku yaala deegaanada Madarshoon, Diindigle, Biyo Madow iyo Mariidle oo dhamaan ka tirsan buuraleyda Calmadow.

Ciidamada PSF Puntland ayaa sheegay in ay hawlgalkaas ku dileen ilaa 18 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabab oo ay ku jiraan saraakiil, waxayna ciidamadu sheegaeen inay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah Al -Shabaab.

Sidoo kale ciidamada PSF Puntland ayaa saldhigyadaas waxa ay ku gubeen keydad isugu jiray Raashin, Hub, Rasaas, Daawooyin iyo Agabyo kale.

Ciidamada PSF ayaa qeyb libaax ku leh hawlgalada Puntland kula dagaalamayso kooxaha ka tirsan Al-shabab iyo Daacish, mana ahan markii ugu horeysay oo ay saldhigyo ka burburiyaan.

Puntland ayaa howlgal aan kala joogsi lahayn ka waday buuraleyda Calmadow tan iyo markii ay Al-shabaab weerar gaadmo ah ku soo qaaday fariisan ay ciidamada Puntland ku lahaayeen Tuulada Af-urur.

PUNTLAND POST