Madaxweynaha Puntland oo kala diray gudiga Hay’adda qandaraas bixinta

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalinimadii isniinta kala diray gudiga qandaraas bixinta Puntland, waxaana Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawliga ee ay gudigani ka yimaadaan la faray inay soo xushaan Dad cusub oo ka bixi kara shaqada gudiga.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo lagu kala soonaan karo kala dirista gudiga Hay’adda qandaraas bixinta Puntland ayaa timi kadib habacsanaan iyo is-qabqabsi ku yimi gudiga, waxaana Hay’adan waayadii danbaba lagu eedaynaayey musuq-maasuq hareeyey shaqada ay bulshada u hayso oo ah bixinta qandaraasyada kala duwan ee Dawlada iyo lunsasho dakhliga Hay’ada soo gala.

Kala diristan uu sameeyey Madaxweynahu saamayn kuma yeelan gudoomiyaha gudigaas iyo xog-hayaha guud ee gudiga, sidoo kale waxaa dhawaan loo magacaabay gudoomiye ku-xigeen cusub nin lagu magacaabo Xabiib Faarax.

Si dhaba looma oga waxa ay ka badeli doonto shaqadii gudiga qandaraas bixinta is-badelkan uu Madaxweynuhu ku sameeyey xubnaha gudiga oo waayadii danbaba u muuqday kuwo gaabisa.

PUNTLAND POST