Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay shirka Amniga oo ka furmay Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe  05 June 2017 magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir ay isugu yimaadeen Madaxdda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada DFS.

Shirkani ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Ras’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa, Madaxweynayaasha maamul goboleeyada dalka iyo saraakiisha ciidamadda DFS.

Shirkani oo socondoona muddo labo cisho ah ayaa lagu lafo-guridoonaa arrimo ay kamid yihiin Amaanka, siyaasada dalka, ladagaalanka kooxaha argagixisada ah, wadda shaqaynta laamaha amaanka ee DFS iyo maamuladda dalka, wadda shaqaynta DFS iyo maamuladda xunaha ka ah DFS.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa uu hogaaminayo ayaa ruugcadaa u ah arrimaha sugidda Amaanka madaama ay Puntland leedahay khibrad ka badan 18 sano oo dhanka Amaanka ah iyo sidoo kale arrimaha kale ee lagaga hadlayo shirkani.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku kordhindoona shirkani muhiim ka ah ee ay ku shirayaan madaxdda Soomaaliyeed sidda ugu sahlan ee ay u yeelan karaan laamaha amaanka ee dalku wadda shaqayn joogto ah taasi oo sura gelin karta in la suuriyo kooxaha tamarta yar ee ku dhuumaalaysanaya dalka.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo midda, Soomaaliya oo israacday, Saamaaliya ooh al mawqif leh.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.