Trump oo jabiyay Caado muddo dheer ka jirtay Mareykanka


Donald Trump madaxweynaha Mareykanka ayaa jabiyay caado muddo dheer ka soo jirtay dalkaas, ka dib markii uu diiday in uu martigaliyo casho sharafeed ku saaabsan munaasabada ciidul fidriga.

Xoghayaha guud ee arrimahada dibada dalka Mareykaka Rex Tillerson oo wasaaradiisa lagu waday in ay qaban qaabiso xaflada martigalinta casho sharafeedka munaasabada ciidul fidriga ayaa diiday, isaga oo aan faahfaahin ah ka bixin.

Aqalka Cad ee dalkaas looga arimiyo ayaa martigalin jiray munaasabadan sanad kasta tan iyo markii uu Clinton ahaa madaxweyanha Mareykanka oo haatan laga joogo muddo 20 sano ah.

Bishii May ee sanadkan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay ay qortay in Tillerson uu diiday talo uu soo jeediyay xafiiska waaxda arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha diimaha oo ku taliyay in cashada Ciidul Fitriga la qabtaa sandkan sidii caadada ahayd.

Donald Trump ayaa horay loogu dhaliilay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay intii lagu jiray ololihii doorashada Mareykanka.

PUNTLAND POST