Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon


Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ubax dhiga ka dib ayaa madaxweyne Farmaajo halkaas kula hadlay boqolaal shacab ah ah oo  halkaas isugu soo baxay, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in nabada iyo Midnimada laga wadashaqeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka nabad diidka ah ee doonaya inay kala qaybiyaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sanadkaan sanadkiisa uu rajaynayo in la gaaro Soomaaliya oo ku jirta xaalad sidaan ka wanaagsan.

PUNTLAND POST