Qadar oo diiday dalabkii xulufada Sacuudiga


Dowladda Qadar ayaa ku gacan saadhay dalab ka koobnaa 13 qodob oo ka yimid xulufada Sacuudiga, kaas oo shuruud looga dhigay in ay fuliso hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Wasaaradda Arrimaha dibada Qadar oo dabalkani soo gaaray 22 bishan ayaa arrin aan macquul ahayd ku tilmaatay dalabkaas oo ay ku jirtay in ay gabi ahaan xirto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay xirto Saldhiga Milatari Turkiga.

Sidoo kale waxaa dalabyada ku jiray in Qadar ay ay xiriirka u jarto Iran iyo in ay xiriirka u jarto dhammaan ururada Argagixisada gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah.

Xulufada Sacuudiga ayaa Qatar siiyay inay 10 maalmood gudahood ku ogolaato dalabyadan, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku eedeeyay xulafada Sacuudiga inay isku dayayaan inay Aamusiyaan Xoriyadda hadalka.

Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay inay dhaqaale siiso Argagixisada, waxayna beenisay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.

PUNTLAND POST