Shirar uga socda Gaalkacyo Odoyaasha magaalada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula yeeshay Odoyaasha labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo uu kula hadlay arrimo ku saabsan wada hadalada uga socda Gaalkacyo iyo Sidii labada dhinacba Ahmiyad u siin lahaayeen nabad kusoo dabaalida colaada ka jirtay muddo dheer magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Juxa oo ayaa falanqeeyay sida loo soo afjari karo colaada salka ku haysa arrimo qabiil oo muddo dheer ka jirtay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna kulamo aan kala go, lahayn ilaa xalay iyo maanta halkaas kula lahaa maamulada Gobolka ee Galmudug iyo Puntland iyo Salaadiinta labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Somalia ayaa magaalada Gaalkacyo shir kula qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo uu ku booqday hoyga uu ka degan yahay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna kala hadlay arrimo ku saabsan xal u helida colaada iyo sidii looga miro dhalin lahaa waan waanta hadda socota

Sidoo kale Wasiir Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa maanta goob joog u ahaa heshiis ay maanta wada saxiixeen guddiyadda labada dhinac.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST