Puntland oo cuduro 10 sano ka hor la ciribtirey ka daaweysay Galmudug.

Puntland ayaa ka daaweysay cuduro 10 sano ka hor la dabar gooyay xoolaha ay wataan qoysas kazoo hayaamay deegaano hoosyimaada maamulka Galmudug, ka dib markey tiimam ka socda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland kula kulmeen deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaas oo qeyb ka ahaa dhakhaatiir todobaadkii hore Wasaaraddu u dirtay dhamaan Gobolada Puntland.

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa sheegay inay ka daaweeyeen Xoola dhaqatada kazoo jeeda Galmudug cuduro ay ka mid yihiin cudurka Sanbabka,Cabeebka,Cadhada, Dhamiijada iyo Cuduro kale oo 10 sano ka hor laga ciribtirey dhamaan deegaanada Puntland.

Dr Cabdi Kheyr Maxamed Faarax oo ka mid ah Ururka Dhakhaatiirta Puntland ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay yihiin xoolo dhaqatada ku nool Gobolada dhexe inaysan heli jirin daryeel caafimaad sababo amaan awgood Islamarkaana laga helay xoolahooda cuduro horey looga ciribtirey deegaanada Puntland.

Cabdi Kheyr ayaa ugu baaqay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland in looga baahan yahay dadaal dheeriya si looga hortago cudurada laga helay xoolaha ay wataan dadka kasoo hayaamay abaarta ka jirta deegaano hoosyimaada maamulka Galmudug.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markey kusoo hayaameen waqooyiga,bariga iyo galbeedka Gobolka Mudug oo hoostaga maamulka Puntland xoolo dhaqato fara badan oo ka yimid Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Dhagayso Wareysiga Dr Cabdikheyr Maxamed

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST