Ganacsato iyo Dad caan ka ah Gobalka Nugaal oo xirmaystay dhul-daaqsimeedkii xoolaha


Dadka reer guuraaga ah ee ku nool Gobalka Nugaal siiba kuwa hoostaga magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ka cabanaya dad ay sheegeen inay ootaan dhul-daaqsimeedka oo caqabad ku ah xoolo dhaqatada.

Mid kamida dadka degaanka ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay inay jiraan dad ka yimid magaalada Garoowe oo 5-KM oo walba  ka samaysta xirmo gaar ahaan dhulka xoolohu daaqaan ee cowska leh oo keenta in la waayo meel ay xooluhu u daaq tagaan.

“Dhul-daaqsimeedkii waa la ootay oo dad baa xirtay xooluhu malahan meel ay noo daaqaan waxaana arrintan sameeynaya niman ka yimid magaalooyinka oo doonaya inay ka dhigtaan ganacsi oo qaarkood ay iibsadaan cowska iyo dhirta ka soo baxda dhulka ay ooteen oo baaxadiisu ballaaran tahay ahna goobabaha xooluhu  daaqa u raadsadaan”.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa isna sheegay in xirmaysiga dhulka ay khatar ku tahay nabad kuwada noolaanshaha dadka, asagoo welwel ka muujiyey in arrintaan ay ka dhalato dhibaato dagaal, “anagu waxaan ka soo horjeednaa in uu yimaado isku dhac waayo dadka falkan samaynaya waa kuwa hubaysan, dadka reer guuraaga ah oo ka cararaya in dhibaato dhacdo ayaa ka walaacsan sida ay ka yeeli karaan tallaabooyinkan lidiga ku ah nolashooda, ninka xoolo dhaqatada ah ee la ootay meeshii geelu u daaqayey wax walba ayaa ka suurooba balse waxaan ku dedaalaynaa inaysan dhicin wax dhibaato ah” ayuu yiri mid ka mid ah oo dayaasha deegaanka oo la hadalayey warbaahinta PUNTLAND POST.

Odaygan ayaa sidoo kale Dawlada Puntland, Odayaasha dhaqanka, laamamaha aminiga iyo qaybaha bulshada ka codsaday inay arrintan wax ka qabtaan, isagoo sheegay in haddii kale ay sababi karto tallaabooyin khaldan oo dhexmara  reer guuraaga iyo dadka xirmaysanaya dhul daaqsimeedka.

Yaa ka masuula xirmaysiga dhulka?

Dhul-daaqsimeedka Gobalka Nugaal waxaa fara ba’an ku haya siyaasiyiin, ganacsato iyo qaar kamida dadka ugu jeebka roon Gobalka Nugaal siiba magaalada Garowe oo xirtay dhul aad u baaxad weyn si ay dhaqaale uga sameeyaan cawska iyo dhirta rabi ku manaystay dhulka xiligan barwaaqada ah.

Dhirtani maahan mid ay gacmahooda ku beereen waase mid uu soo saaray roobkii dhawaan ka da’ay dalka ee lagaga raystay abaartii banayd ee SIMA.

Dadkan ayaa qaarkood sheegayaan in dhulkan ay ka hirgelin doonaan mashaariic muhiima sida maxjaro lagu nasiyo xoolaha ka hor inta aan la dhoofin hase ahaate Dadka degaanka ayaa u arka inay arin beena oo umada loo sheegaayo si loo xalaalaysto dhul daaqsimeeka xooluhu daaqi jireen, loogana sameeyo dhaqaale dhirta ay soo saartay raxmadii Eebe.

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro iyaguna ku yaacay dhulka si ay uga sameeyaan nafaacsi lamida kan aan kor kusoo xusnay.

Maxaa ka dhalan kara xirmaysiga dhul daaqsimeedka?

Xoolaha oo ah Isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay umadda Soomaaliyeed ku tiirsan yihiin ayey haraadigoodii kasoo dooganayeen abaartii banayd ee wadanka ku dhufatay, waxayna dadka reer guuraaga ah filaayeen inay u badbaadi doonaan inta yar ee uga hartay xoolohoodii oo intoodii badnayd ku dhafeen abaartii SIMA, hase ahaate markii uu Rabi u shubay raxmadiisii waxay la kulmeen caqabadan xirmaysiga dhulka, taas oo sababtay inay xooluhu waayaan dhul daaqsimeedkii ay nacfiga ka heli lahaayeen maadama dhulkii tigaada lahaa ay ooteen Dad aan xoolo dhaqato ahayn oo ka yimi magaalada waxayna taasi rajaxumo ku abuurtay dadka reer guuraaga ah.

Xoolo dhaqatada ayaa sheegaya inay arintani sababi karto xaaluf hor leh oo ku yimaada xoolaha maadama loo diiday dhulkii ay daaqi lahaayeen, sidoo kale waxay sababi kartaa inay dhaliso amaan xumo ayna arintaas ka gilgishaan xoola dhaqatada sida baadilka loogu diiday  dhulkii ay waligoodba xoolahooda daaqsan jireen.

Sidoo kale waxay arintani dhiiri gelin kartaa in gabi ahaanba la ooto dhulka baadiyaha uuna xirmaysigani ku fido dhulalka ka fog magaalooyinka, taas oo sababi doonto in xooluhu waayaan meel ay gabi ahaanba daaqaan.

Maxaa la gudboon Dawlada iyo Odayasha Gobalka?

Waxaa la gudboon Dawlada siiba maamulada Gobalka iyo degmada iyo odayaasha oo ay isimada iyo nabadoonadu hor boodayaan inay talaabo deg-deg ah ka qaadaan dadka isbaaradda u dhigtay xoolaha oo ah hantida kaliya ee aynu ku faano, isla markaana deg-deg loo qaado ooda lagu heeraray dooxooyinkii quruxda badnaa ee Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST