Wasiir Juxa oo ka hadlay Dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Hiiraan


Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Juxa ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda Gobolka Hiiraan islamarkaana ay dhinacyada dagaalamaya nabada qaataan, si shuruud la’aanana lagu joojiyo dagaalka.

Sidoo kale wasiir Juxa ayaa sheegay in ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ay ka shaqeyn doonto sidii dadka walaalaha ah ee Gobolka Hiiraan ku dagaalamaya loo heshiisiin lahaa.

Dhanka kale Wasiir Juxa ayaa Maamulka Hirshabeelle iyo kan Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan joojinta dagaalkaas iyo isku soo dhaweynta beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacayey dagaal beeleedyo ay dad badani ku dhinteen.

PUNTLAND POST