Wax ka baro Gobolka muhiimka u ah Soomaaliya

Gobolka Gardafuu ee Puntland waxa uu ku yaal geeska ugu dambeeya ee Geeska Africa, waxayna soomalidu u taqaan Geeska Gardafuu.

Waa Gobol muhiim u ah soomaaliya, Afrika iyo Caalamkaba. Wuxuu gobolku dhacaa marin biyood caalami ah, iyadoo ay isugu yimaadaan 3-da badood ee kala ah Indian ocean, Arabian ocean iyo Gulf of Aden, waana halka ay maraan 40% ganacsiga aduunku.

Gobolku waxa uu hodon ku yahay kheyraadka alle ku manaystay sida Kaluunka, xoolaha, macdanta, xabagta sida maydiga iyo iyadoo gobolka xeebihiisa laga samayn karo dekedaha ugu muhiimsan caalamamka, Dhinaca dalxiiska gobolka waxaa ku yaal goobo taariikhi ah oo ku fiican dalxiiska.

Degmada Caluula oo magaalo madax u ah gobolkaas ayaa caasimada Puntland ee Garowe u jirata 758 KM.

DAAWO

PUNTLAND POST
GAROWE