Puntland oo sheegtay in ay duulaan ku soo Afjari doonta Al-Shabaab

Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar gaadmo ah oo ay Al- Shabaab kusoo qaadeen Saldhig ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ku yaala tuulada Af-Urur.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in ay si adag ciidamadu iskaga difaaceen kooxahan weerarka ah, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray shacabka oo ay laayeen dad badan oo daganaa tuulada Af-urur oo ay galeen.

Dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland iyo Ururka Alshabaab ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo iskugu jira Sarakiil Ciidan, Askar iyo dadka Deegaanka.

Puntland wali si rasmi ah uma sheegin inta ka dhimatay in kastoo Wasiir Amniga Puntland uu sheegaya in ay baarayaan inta ay leegtahay dhimashada Askarta ka tirasan ciidmada Puntland.

War lagu qoray Warbaahinta Taageerta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyadda weerarka waxaana ay sheegeen iney ku dileen 61 Askari oo ka tirsan ciidamadda Puntland.

Degmada Carmo oo ka tirasan Gobalka Bari ayaa la sheegay in la keenay Dad dhaawac ah oo gaaraya in ka badan 30 Qof oo iskugu jira Dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Puntland.

Tan iyo sanadkii 2010 oo uu si rasmi ah u bilowday dagaalka ay isaga soo hor-jeedaan ciidamada Puntland iyo  Al-shabaab waxaa degaanadaas ka dhacaayey dagaalo goos-goos ah oo khasaare naf iyo hantiba leh geystay.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST