Lix qof oo ku dhintay labba weerar oo ka dhacay magaalada London

Inta la xaqiijiyey lix qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 qof way ku dhaawacmeen labba weerar oo xalay ka dhacay magaalada London ee caasimada Dalka Ingiriiska.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa toorreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay inay ku raad jiraan kooxihii soo maleegay weeraradan, waxayna Dadweynaha ugu baaqeen inay isdejiyaan.

Raysalwasaarahada Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso.

PUNTLAND POSTÂ