Mashruuca lagu Anfurinayo Hal Milyan Qof oo Lagu Daah-Furay Boosaso

Boosaso[Puntland Post]Hay’adda OIC ayaa si rasmi ah uga bilowday mashruuc  ballaaran oo lagu afurinayo dadka ka badan
oo qof  oo ku kala nool dhammaan degaamadda dadka Soomaaliyeed ee ku noolyihiin ee jamhuuriyadda.

Mashruucan oo qaybta ugu weyn ay ka qaadanayso Markasta Boqor Salmaan ee boqortooyada Sucuudiga, waxaa fulinaysa Hay’adda IOC oo ay ku bahoobeen ilaa 57 dowladood oo muslim ah caalamka oo idil, wuxuuna soconayaa ilaa dhammaadka bishan ramadaan.

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay mashruuca Afurinta qaybta Puntland ayaa shalay Lagu qabtay Hotelka Megafish ee Magaaladda Bosaso, waxaana ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Axmed  Cilmi Cismaan “Garaash”, guddoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays “dhado”, Duqa degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud, culuma’udiin iyo Masuuliyiin ka socotay Xafiiska  hay’adda IOC ee Muqdisho.

Ugu horrayn waxaa ka hadlay Munaasabadda C/raxmaan  Jaamac Xaashi oo ah Madaxa shirkadda SUNDUS oo mashruucan ka fulinaysa Puntland, waxaana uu sheegay in Magaaladda Bosaso ay loo doortay in noqoto meesha lagu daahfuro mashruucan, islamarkaana tiradda ugu badan ee daka la afurinayo ay ku nool yihiin Bosaso.

Madaxa Mashaariica Hay’adda OIC Dr Axmed Faarax Muuse wuxuu sheegay in iyadoo laga jawaabayo baaqii Madaxda Soomaaliyeed, kuna wajahnaa ka qaybqaadatashada baahida iyo abaaraha soo wajahay dadka Soomaaliyeed ay hay’adu ka bilowday guud ahaan jamhuuriyadda Soomaalida mashruuc lagu afurinayo Hal Milyan iyo boqol kun oo qof oo Soomaali

“ waxaa la qorsheeyay in 2700 qof maalin walba in laga afuriyo Puntland oo dhan, waana maamul goboleedka ugu badan, Afur joogta 30ka maalmood ee bisha Ramadaan” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“ cuntada la siinayo qofkii  waxay ka kooban tahay Hilib, Bariis, timir, boorash iyo cabitaan la cabo, waxaa loo sameeyay hab horumarsan oo nidaamsan oo la ilaaliyay caafimaadka cuntada iyo sharafta dadka la siinayo, waana alaab wada daboolan, La ilaaliyay noociyadeeda iyo  waxtarka dadka la siinayo”

wuxuu sheegay in jiraan hay’addo kale oo Samafalayaal ah mashruucan  Halka milyan lagu afurinayo ka fulinayo Puntland.

Waxaa kaloo munaasabadda hadalo kooban ka soo jeediyay Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays, Duqa Degmadda Bosaso Yaasiin Mire iyo Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ka mid ah culumadda waaweyne Puntland, waxayna soo dhaweeyeen mashruucan oo ay tilmaameen in aad loogu baahnaa madaama dhibaato badan ay dadka ka soo gaartay abaartii ku dhufatay Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Garaash) oo gabagabadii si rasmi ah uga daahfuray Puntland mashruuca, waxaana uu u mahadceliyay Markaska Boqor Salmaan oo mashruucan maalgaliyay iyo hay’adda IOC oo fulinaysa mashruuca.

Gabagabadii, Mashruucan oo maalintii Jimcaha lagu daahfuray Magaaladda Muqdisho, ayna ka ka qaybgaleen Wasiirka gargaarka iyo ka hortega Masiibooyinka Dr Maryam Qaasim, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Dr Imaan Cabdullaahi, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow iyo masuuliiyinka hay’adda IOC , waa midkii ugu weynaa ee abid laga fuliyo Soomaaliya bisha Ramadaan ee Barakaysan

Mashruucan aya wax ka faa,idaysanaya in ka badan Hal malyan oo Qof oo ku nool Dhamaan Deeganada Soomalida.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST