Puntland oo Xukun dil ah ku riday 5 Ruux oo lagu qabtay Qaraxyo

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2017 ,xukun dil doogasho ah ku riday Shan Nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo qaraxyo ay wateen.

Shantan Nin ayaa la sheegay in ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab islamarkaasina ay doonayeen in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Magacyada 5- dhalinyarada ah iyo halka ay ku dhasheen

Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo.

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye.

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere.

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo.

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xigasho Sawirka : Maxamed Jabra 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post