Maxkamadda qalabka sida ee Puntland oo xukun dil ah ku riday Eedaysanayaal

Bosaso [Puntland Post] Maxakmadda Ciidamada qalabka sida ee shanta Gobal ee Puntland ayaa xukuno isgu jira dil Toogasho , Xabsi daa’in, iyo siidayn ku riday eedaysanayaal ku eedaysnaa ka mid ahaan shaha Ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

Eedaysanayaasha maanta xukunka lagu riday 5 ka mid ah waxa dhawan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo qaraxyo ay wateen
Shantan Nin ayaa la sheegay in ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab islamarkaasina ay doonayeen in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Dhinaca kale Maxakmadda ayaa dib ugu celisey Xoriyadoodii eedaysanayaal ka tirsanaa Daacish, kadib markii ay isku soo dhiiban Ciidamada Puntland.

Daawo xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland ay ku Riday Eedaysanayaal.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST