Jubbaland oo eedeyn u jeedisay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Shir ay shalay Golaha wasiirada Jubbaland ku yeesheen Kismaayo uuna shir guddoominayey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa lagu eedeeyey Wasaarada Kalluumeysiga dowlada Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Wasaarada Kalluumeysiga dowlada Federaalka Soomaaliya ku xad gudubtay heshiis ku meel gaar ahaa oo  07-05-2017 si wada jir ah u wada saxiixdeen Wasaarada Kalluumeysiga dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha Kalluumeysiga dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,  kaas  oo lagu heshiiyey soo saarida shatiga Kulluumeysiga TUNNA iyada oo dhamaan  dowlada xunaha ka ah Federaalku u tanaasuleen aqbaleena sidii ay rabtay dowlada Federaalka.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Wasarada Kalluumeysiga dowlada Faederalka ku eedeysay in ay shatiyo siisay shirkado Shisheeye , kuwaas oo aan laga tashan dowladaha xubnaha ka ha Federaalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay go’aansatey in aan la aqbali karin habka ay dowlada Federaalk Soomaliya u maaraynayso kheyraadka dalka, sidaas darteedna ay Jubbaland ka fa’iideysanayso  kheyraadkeeda inta la helayo nidaam la isla ogolyahay oo lagu wadaagayo kheyraadka dalka.

Arinta ayaa ku soo aadaysa ka dib markii dhawaan Wasiirka Kalluumeysiga dowlada Federaal Soomaaliya Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi uu Puntland ku eedeeyay in ay fashilyeen shirk a dhicilahaa Jaziirada Seychelles oo looga hadlihaa kheyraad Badda, iyadoo Puntlandna ay shalay si adag uga jawaabtay.

Hoos ka akhriso Qoraalka  ka soobaxay shirkii Golah wasiirada Jubbaland.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST