Maxkmada Ciidamada qalabka sida oo Xukun dil Ah Fulisay Saaka

Maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku riday askari katirsanaa ciidamada NISA oo dilay Taliyihii NISA ee Gobolka Sh/Dhexe.

Maxkmada ayaa dil Toogasho ah horay uga xukuntay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo 23-kii June ee Sanadkii hore 2016-ka Magaalada Jowhar ku Dilay Taliyihii NISA ee Sh/Dhexe Cabdi Wali Ibraahim Maxamed.

Ninkaan Dilka Lagu Fuliyay aya ilaalo gaar ah u ahaa Taliyaha uu dilay waana uu baxsaday markii uu dilku dhacay hayeeshee waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Goobta falkaan qisaasta uu ka dhacayay waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin katirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho