Maqaal: Safarkaan Muqdisho kaga soo qaxay (Abriil-Maajo, 1991) Cabdisalam Cali (Biligsey)

Afeefta qoraha:-

Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa sheeko iyo xusuus beri hore i soo martay, aanse doonayo inaan dadweynaha la qaybsado. Nin baa, isagoo ka hadlaya dagaalkii-sokeeye ee Soomaalida, wuxuu yiri, ‘Qof kasta oo Soomaali ah haddii uu qoro wixii soo maray ama qabsaday, taariikhda qaranku wey qoran tahay.’ Sidaasi darteed, waxaan doonaya inaan dadka ku dhiirrigeliyo inay qoraan oo wax ka qoraan wixii ku dhacay. Dadkaas aan ka hadlayo meel kasta ayey joogi karaan, waayo sidaan la wada soconno dagaalka-sokeeye Xamar kama bilaaban, Xamarna kuma dhammaan. Burburkii iyo firxadkii Soomaali ku dhacay ruux uuna saameyn ma jiro — hadduu Ras Kiyambooni joogo iyo hadduu Lawyacaddo joogo. Qormadan, sidaas awgeed, u lama jeedo inaan danqiyo xanuun laga biskooday ama laga biskoonayo; wax keli ah ee aan doonayo inaan soo bandhigo waa aragtideyda gaarka ah iyo berigaas wixii dhacay iyo si ay jiilalka soo socdaa cashar uga bartaan.

Hordhac

Jannaayo 26, 1991, waxaa soo gabagaboobay xukunkii qallafsanaa iyo qabyaaladdii militeriyeysneyd ee Janan Maxamed Siyaad Barre. Inta badan, ummadda Soomaaliyeed waxay fileysey in laga raysan doono. Hayeeshee, wax lama filaan ah ayaa dhacay! Jabhadihiii (qabaa’ilkii) riday Siyaad Barre halkii ay dawlad ka dhisi lahaayeen, Soomaalida isu soo celin lahaayeen, waxaa lagu dhaqaaqay, gaar ahaan, jabhadda USC oo qabaai’ilka Reer Muqdisho laf-dhabar u ahaayeen foolxumo iyo filanwaa. Dalku wuxuu galay dagaal-sokeeye; waxay go’aansadeen inay is-raaciyaan Maxamed Siyaad iyo wax lagu sheegay “Reerka uu ka soo jeedo” oo ay ka dhigaan arrinta qori iyo qiiqiisaba waa la is-raaciyaa. Dagaalkaasi, sida laga warqabo, wejiyo badan buu lahaa ama yeeshay. Ilaa manta oo la joogo 2017 waa uu socdaa, qaabkuba ha kala duwanaadee.

Daagaalkaasi wuxuu noqday mid aan la mahadin, ummadda Soomaaliyeedna wuxuu gayeysiiyey in burbur dhinacyo badan lihi soo gaaro: dawladnimadii oo meesha ka baxda, qax ballaaran iyo kala-carar ku habsaday; qof waliba wuxuu aaday meeshuu is-lahaa waad ku nabadgeleysaa. Boqollaal kun waxay u qaxeen ama nabadgelyo u doonteen adduunka daafihiisa. Dalalka la kala aaday waxaa ka mid ah: Maraykan, Yurub, Carabaha, waddammada deriska ah. Dadka Soomaaliyeed waxay noqdeen dad dawarsada oo loo dawariyo!

Sida la wada ogyahay Soomaalida, guud ahaan, waxaa lagu xantaa dad aan dalku la weyneyn. Xisbiyo iyo fikrado aydiyaloojiyeed weli hanaqaad ma aha. Dadku weli mujtamac-ahaan waxay u dhisan yihiin qabaa’il iyo qoysas-hoosaad. Sidaas darteed, halgankii ujeeddadiisu dad badan u la muuqday mid lagu ridayo oo keli ah dawlad xumaatay, wuxuu noqday mid reeba colaad ma-hadho ah oo dhex-marta dad wax walba wadaaga. Boqollaal dhallinyaro ah oo reer miyi ah ayaa gacanta loo haadiyey, si ay dagaalkaasi reer-reerka ku dhisan xaabo ugu noqdaan.

Xubnihii dawladdii Siyaad Barre ku wada-jirey baa qaar waxay noqdeen kuwo adkaaday, qaarna waxay noqdeen kuwo laga adkaaday. Bal malee waxa dhacay! Xuseen Kulmiye Afrax, madaxweyne ku-xigeenkii dawladdii la riday wuxuu noqday geesi, Cabdiraxmaan Jaamac Barrena wuxuu noqday nacab.

Naceybka Soomaalidu waa mid wadciga iyo xaaladda hadba la joogo la socda. Kuwii awal dhalashada isku bahaystey (USC Cali Mahdi & USC Caydiid) ayaa iyagu iska horyimid. Dhiig aad u badan ayaa ku daatay awood-ku-dagaallankii goobta ka dhacay. Natiijada waxay noqotay in, fashil ballaaran ka dib, USCda kuwoodii reer magaalka ahaa ka daba-tagaan kuwii hore uga qaxay magaalada. Dhab-ahaan waxaa halkaa ku burburay waa ilbaxnimadii iyo wada-noolaanshihii ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer laga shaqeynayey!

Aniga iyo iska-hadalkay

Waxa aan joogey beer walaalkay leeyahay, hooyana ku nooleyd oo ku taal Afgooye, tuulada Yumbis. Waxaan is-lahaa ayaamo ku gabbo inta Siyaad Barre ka tegayo dalka. Waxaa halkaa iigu yimid dhallinyaro ay soo dirtay Suubban Cabdulle Gorod (Walaalkay kale dumaashidii) oo iyadu wax badan ogeyd, maqashayna in dhallinyaro beerta ka ag dhaw qoryo muddo igu fiiqeysey, si ay iiga kaxeeyso meesha, iyadoo ka fakireysa nabadgelyadeyda. Toddobaad baan gurigeeda ku noolaa, dabadeedna, waxaan tegey guriga walaalkay kale, Maxamed Cali Faarax (Badhaa) oo isagu bilowgii horeba ka qaxay magaalada. Badhaa waxay isku hooyo ahaayeen qoys Sacad ah (Habargidir). Sidaas darteed, guriga waxaa si ku-meel-gaar-ahaana u la wareegay walaalihi hooyo, anigana nabaadgelyadeyda xil gooni ah iska saaray. Guriga isaga ah bil ku dhan baan joogay. Bishaasi buugaag badan oo Badhaa ka tegey baan marti u noqday. Buugaagtii aan halkaasi ku akhriyey waaxaa ugu mudnaa buug la yiraahdo “Tears for Somalia”. Buuggaasi xusuus badan buu igu reebay waayo wuxuu inta badan ka sheekeynayey waayo-aragnimo la’aanta Soomaalidu u leedahay Dawladnimada iyo waxa ku dhici kara. Waxaad mooddaa in buuggaasi in badan culeyskii i haystey iga riday.

Muddadaasi aan ku xeraysnaa guriga, waxaa la ii sheegay dad xaafadda ah oo dhiiggeyga raadinaya. Arrintaasi, malaha, waxay ku dhalisey in qaraabadaydu i jiscinto oo baabuur i la raadiyaan aadaya xaggaas iyo dhulkii aan asal-haan ka soo jeeday.

Anigu qof-ahaan, waxaan ka mid noqday boqollaal-kun oo ku barokacay dalka gudihiisa. Si aan lafahayga u badbaadiyo, waxay talo noqotay in aan Muqdisho ka haajiro. Maagaalada Muqdisho, magaalooyinka Soomaaliyeed wey iiga duwaneyd. Waa magaaladii aan ku garaadsaday (waxa la ii geeyey anigoo wiil gaban ah), ku barbaaray, wax ku bartay. Maaddaama, berigaas Daarood-doon la ahaa, magaca kolonyada baabuurta ahi ku socotay oo la sheegan jirey waxay ahaayeen qabaai’ilka Isaaqa, Gadabuursi, iwm. Sida la ogyahay, guud-ahaan, qabaai’ilka waqooyiga degaa waa isku lahjad dhaw yihiin. Baabuurta kolonyada ah ee aan la socday waxaa markan lahaa Reer Boorame.

Maxaa dhacay?

Sii-socodkeennii, habeen waxaa seexannay maagaalada Jowhar. Aroor hore ayaan maalintii dambe ka soo kicitinnay. Markaannu meel dhexe maraynno oo aan in cabbaar ah ka soo fogaannay Jowhar, ayaa si kedis ah,  waxaa noo joojiyey dhallinyaro jidka dhiniciisa dhabbacnayd, tiro-ahaan aan ku qiyaasay dhowr-iyo-toban oo qoryo haysta. Baabuurtii waa joogsatay, waxaana lagu amray inay dadka dejiyaan. Odayaashii baaburta mas’uulka ka ahayd wey dagteen, si ay dhallinyarada u la xaajoodaan, una qanciyaan, ilaa xad ay gaarsiiyeen in ay dhiig-wadaag yihiin, weyse ku qanciwaayeen, waayo burcad dhalasho iyo dhiig midna ma yaqaan, wax micne ahna u samaynmeyso. Waxa keli ah ee u mudnaanta siinayaa waa dhac iyo wuxuu boobo!  Qir-iyo-qir baa arrini gaartay, ka dib, markii hadalkii la isku celceliyey. Burcaddu waxay dadkii ku amreen in baaburta laga degto, odayaashiina waxay, iyana, amreen inaan la degin! Wixii markaas ka dambeeyey muuqaalkii wuxuu isu beddelay murugo dhab ah! Mar keli ah, waxaannu maqallay dhawaqa rasaasta. Haweeney hortayda fadhidey oo nuujineysey ilmo yar ayaan waxaan arkay iyadoo indhaha caddeyneysa iyo dhiig gebi-ahaan qariyey. Gabadhii iyo ilmaheediiba xabbad baa isu martay, goobtii beyna ku geeriyoodeen. Ma war baa yaal! Si halhaleel ah ayaa baabuurtii looga daatay. Dabcan, inta marka hore dhulka tegeysa waa inta xoogga leh. Dadka da’da ah iyo kuwa culus muddo ayey ku qaadaneysaa. Kolkii in xoogaa ah gaarigii aan u jirsaday baan dib soo eegay. Waxa indhahaygu qabteen waa waxaanan weligey illobeyn! Dadkii waayeelka ahaa markay isugu yimaadeen oo ku soo dhammaadeen gaariga hoostiisa ayaa mid habaar-qabe ahi ku soo giraangeriyey bambada gacanta laga tuuro. In badan xooggii qaraxa ayaa kor u qaatay, dabadeena dhulka ayey, sidii quraarad jabtay, ku daateen! Dadkii waxay noqdeen wax meeshii ku nafwaayey iyo qaar ku dhaawacmay – dhaawac halis oo abid la socon doona! Waxaa arrintii na qabsatay ka war helay Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska dhallinyaradii caynkaasi noo gashay. Ugaas Khalif oo ka xun wixii dhacay ayaa noo soo diray ciidan na “badbaadiya”. Waxaan goobtii  kala tagnay 6 meyd ah iyo 22 dhaawac ah.

Gurmadkii la soo diray

“Ciidan gurmaad ah” ayaa na soo gaaray oo uu Ugaas Khaliif isku soo duway. Ugaaska waxaa lagu sheegay nin wanaagsan, sharaf leh, diin iyo qiyam toosan leh, hayeeshee, Reerku ka farabaxsaday, siyaasadihii fooshaxumaa ee dalka ka socday awgood. Gurmadkii waa na soo gaaray, qolooyinkii hore noo haystey wey naga furfureen waayo wey ka qoryo weynaayeen. Wey na soo kaxeeyeen, laakiin, markaan in-yar ka soconnay, welise aan kuwii isu-muuqanno ayey iyagii naloo soo diray nagu soo kala-fireeyeen oo qoryahoodii waaweynaa naga soo jeediyeen. “Is-baara oo isku dar-dara!”, ayaa horjoogahoodii nagu amray. Waa la is-wada eegay waayo wax nagu haray baan jirin. Si kastaba ahaatee, wixii wuxuun u harsanaayeen baa wax isku daray! Safarkii baannu dib-u-bilownnay. Waxaan tagnay oo gaarray magaalada Buulo Barde; waxaa naga horyimid Ugaas Khaliif oo ka dheregsan waxa na qabsaday. Buulo Barde waxaannu ku aasnay lix qof oo isugu jira carruur, haween iyo dad waaweyn. Dadkii goobtaasi lagu xabaalay waxaan ka xusuustaa nin la oran jirey Daahir Rabbiile Good.

Waddo halaq-mareen ah

Waddada Xamar iyo Belet Weyne u dhexeysa waxay noqotay halaq-mareen. Toddobaad ka hor waxaa naloo sheegay in lagu dilay rag lagala haray kolonyo baabuur ah! Raggaasi dambiga qur ah ee ay gaaleen wuxuu ahaa inay hayb-guud wadaageen Siyaad Barre. Dadkaasi waxaa ka mid ahaa nin qoraa caan ah ahaa, Soomaaliduna wada taqaan. Waxaa la oran jirey Faarax Cawl. Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah, “Aqoondarro waa u Nacab Jaceyl”. Toddobaadkii naga dambeeyana waxaa lagu laayey rag uu ka mid ahaa Xaaji Kore.

Kolkaan xuduudka ka soo baxnay, waxaan nimid magaalada Shilaabo. Shilaabo goortaan nimid waxaan ku daadanay “bushash” shah barraad ah lagu kariyo. Dadka inta badani, oo aan ku jiro, waxay shaaha ka dhiganayeen cunto. Hakasho yar ka dib, waxaannu uga sii gudubnay magaalada Wardheer. Magaalooyinkan wey magic dheer yihiin, lakiin, run-ahaan, waa tuulooyin Itoobiyaanka xeryo ciidan u ah (Haatan waxaa la ii sheegay inay yare-koreen oo dawladdu adeegyo geysey). Magaalada Wardheer waxaa weeye goobtaan ku dhashay, hayeeshee, layga kaxeeyey aniga oo ah canug yar ah. Inaan Wardheer nimaadno waxay nagu qaadatay 13 maalmood oo baqdin iyo argagax leh! Magaalada Wardheer waxaan ka helay qaraabo iyo nabaadgelyo xagga maskaxda ah, sidaas darteedna, waxaan joogay 20 cisho.

Gunaanad

Anigu, qof-ahaan, wixii dhib ahaa ee Soomaali ku dhacay waxaan dusha uga tuurayaa Soomaalida qudheeda waayo ciidan ku soo duulay ma jirin iyo cid bannaanka uga timid. Amarka iyo kala-dambaynta iyo dawladnimadooda waxay ahayd inay iyagu ilaashadaan. Duminta dawladdii Soomaaliyeed dad badan baa ka qaybgalay, laakiin, waxaa mas’uuliyadda iyo xilka koowaad yeelanaya dadkii iyo madaxdii maamuleysey dalka, kuwaasi oo uu kow ka yahay Maxamed Siyaad Barre. Ninkaasi inuu Soomaali haadaan ka riday waa marag-ma-doonto, kun sano oo soo socotana waa la xasuusnaan doonaa. Markaan intaasi iraahdo, haddana, waxa la ogyahay in Siyaad Barre iyo beesha caalamku, gaar-ahaan, waddammada Reer Galbeedku is-qoonsadeen, sidaas darteena ay jecleysteen inay meesha ka saaraan, sababtu waxay doonto ha noqoto. Su’aashu waxa weeye sidee taasi ku imanaysaa? Ma waxaa la halligayaa ummadda oo dhan?  Siyaad Barre culeys aan badneyn buu u baahnaa si uu u tago, micnaheeduna yahay in la kala reebo shacabka aan waxba galabsan iyo xukumayaashooda. Kenyaanku kolkii ay isu-gacan-qaadeen 2007kii waa la soo faragaliyey, waana lagu kala-hogoogtay; halka Soomaalida dariishadaha iyo albaabbada loo soo xiray si ay isu-xasuuqaan. Sida cid walba u muuqatay Soomaaliya waa dal aan saaxiib ku lahayn mujtamaca adduunka, gaar ahaan, wixii ka dambeeyey dagaalkii 1977. Soomaaliya waxay muuqaal-ahaan u ekayd nin miyi jooga, fooryaya oo ul labada garab u kala ritay. Waxaan is-leeyahay, waa cashar loo baahan yahay inaan la illaawin!

Qore: Cabdisalam Cali Faarax (Biligsey)