Madaxweynaha Puntland oo Xaflad soo dhowayn ah loogu sameeyey Magaalada Helsinki

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 23/5/2017 loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah magaalada Helsinki ee dalkaasi Finland.

Xafladan lagu soo dhoweynayey Madaxweynha Dawladda Puntland  oo ahayd mid aad iyo aad u heersaraysa ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Helsinki, xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dhamaan soomaalida ku dhaqan magaalada Helsinki ee wadanka Finland.

Dhinaca kale xaflada soo dhoweynta ah ee lagu maamuusayey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa ahayd mid ay ku midaysan naayeen dhammaan jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi Finland, Jaaliayadahaasi oo iyagoo isku duuban si wada jira usoo dhaweeyey Madaxweynaha Dawaladda Puntland.

Xafladani ayaa intii ay socotay waxaa hadalo koo kooban ka jeediyey yimi Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, wakiilada iyo gudoomiyayaasha Jaaliyadaha Soomaalida Finland, kuwaas oo dhamaantood si isku mida uga jeeday talooyin Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii dabayaaqadii xaflada ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Soomaalida Helsinki, isagoo Madaxweynuhu mahad gaar ah u celiyey madaxdii Jaaliyadaha Soomalida iyo qaban qaabiyayaashii xafalada soo dhawaynta ee loo sameeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, madaxweynaha ayaa sidoo kale sigaara ugu mahadnaqay Jaaliyada  Puntland ee magaalada Helsinki.

”aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa bulsho weynta Soomaaliyeed ee reer Finland, aad iyo aad ayaan sidoo kale idiinkaga mahadnaqayaa Soomaalinimada iyo niyad wanaaga aad nagu soo dhawayseen, waxaan rabaa caawa inaan ka hadlo Soomaliya iyo dhalainyaradeena maanta mustaqbalkooda, waxaa  loo baahan yahay markaa inaan ka fekerno dadkeena iyo dalkeena, waxaynu nahay dad lahaa taariikh gaamurtay, waxaynu ahayn dad iimaan leh, dad boqotooyin lahaa, waa inaan barnaa dhalainyaradeena iyo meesha aan ka nimi, qaxooti shalay maynaan ahayn ee waa wax aan maanta uun la kulanay, waxaan ubaahanahay inaan ka dhaqaaqno meesha aan aan taaganahay maanta oo hore uga socono, Soomaalinimada inaan muujino ayaa loo baahan yahay, waxaan leenahay taariikh wanaagsan oo adduunku inagu ixtiraamsan yahay, inaan sidaas ogsoonahay ayaa la inaga rabaa ” ayuu yidhi Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”

–DHAMMAAD–                                                                                                  

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND