Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar ugu Xirmay Garoowe

Tababar  muddo toban beri ah uga socdey magaalada Garoowe shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta soo xirmay iyadoo tababarku uu ahaa mid la xiriira dar-dargelinta shaqada xafiisyada dawladda.

Tababarkaan ayaa loo qabtay in kabadan 180 qof oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo kakala yimi Caasimadda iyo dhammaan gobollada kale ee Puntland isla markaana ka faa’iidaysanyey tababarkaan ay dawladdu ugu talo gashay dar-dargelinta shaqada.

Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalah Barni Ciise oo munaasabaddii xiritaanka tababarka hadal kajeedisey ayaa bogaadisey barayaashii tababarka oo isugu jirey Soomaali iyo AJaanib kuwaas oo soo diyaariyey casharro muhim u ah shaqaalaha kuwaas oo ka caawin doona hawl maalmeedkooda shoqo.

Maamule kuxigeenka Jaamacada Puntland State Axmed Shire ayaa isagana xusay dedaalkii ay Jaamacaddu ku bixisay qabsoomidda tababarkaan maadama ay iyadu marti-gelineysey tababarka isagoona xusay in Jaamacaddu ay dedaal dheeraad ah u geli doonto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha dawladda.

Axmed Diiriye oo ah kusimaha madaxa xiriirka Mashruuca Tayaynta shaqaalaha ee CIP oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay tababarkaan u soo qabanqaabiyeen ay ahayd sidii loo heli lahaa shaqaale aqoon dheeraad ah u leh shaqada ay hayaan, kuwaas oo dhaxal rasmi ah u ahaan doona dawladda Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Qaybteeda dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed  Cabdalla Tigaana oo isagana munaasabadd hadal ka jeediyey ayaa kula dardaarmay dhammaan shaqaalihii uu tababarku usoo xirmay inay ku aqoontii la baray ku dabbakhaan shaqo maalmeedkooda caadiga ah isla markaana ay uga faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan tababarkaan.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Cabdi Shire Ismaaciil oo munaasabadda soo xiray ku boorriyey shaqaalaha inay isbeddel mugle ka muujinyaan xafiisyada marka ay kulaabtaan isagoona geesta kale u ballan qaaday shaqaalaha dawladda inay heli doonaan tababar dheeraad ah oo gaarsiisan heer Jaamacadeed.

—Dhammaad—