Madaxweyne Farmaajo:-“Muddooyinkii aan Dagaalka Ku jirnay Marnaba Nagama Aysan Seexan Jabuuti”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula qaatay   Madaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay  xiriirka ka dhaxeeya labada Dal iyo sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa la dagaalanka Al-shabaab ee Xiriirka la leh ururka  Alqaacida.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu kugada jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda Dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sido kale waxuu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub.

“Muddooyinkii aan dagaalka sokeeye ku jirnay marnaba nagama aysan seexan walaalaha Jabuuti, shacab iyo xukuumadba, Abaalkaas marnaba ma hilmaami doonno”,ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  uu ku tagay maanta Dalka jabuuti ayaa naqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago Dalka jabuuti tan iyo markii ladoortay.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho