Cali Khaliif Galeydh oo ka hadlay joogi taankiisa Hargeysa

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa markii ugu horeysay ka hadlay joogi taankiisa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Cali Khaliif Galeydh oo Wareysi gaar siiyey Horn Cable TV ayaa sheegay in uu shir ku lahaa magaalada Nairobi sabababo uusan ku dheeraanayna ay ugu suurta gali weyday in uu ka baxo Buuhoodle, sidaas darteed uu door biday in uu ka duulo garoonka magaalada Hargeysa, sidoo kale waxa uu sheegay Galeydh in madaxweyne Siilanyo ay xalay ku kulmeen kulan saaxiibnimo.

Mar laweydiiyey Mr Galeydh wufuuda Khaatumo iyo Somaliland inta badan waxay ay ku shiraan dalalka deriska ah maxaa diidaya in lagu shiro gudaha? ayuu ku jawaabay in lagu shiri doono gudaha, laakiin ay dadka deegaanada Khaatumo xasaasiyad ka qabaan in lagu shiro Hargeysa iyo Burco.

Sidoo kale mar laweydiiyey Puntland iyo Somaliland midkoodna siyaasad ahaan raali kama aha in maamul kale dhexdooda ka samaysmo, in kastoo Somaliland ay baryihii danbe idin muujisay dabacsanaan dhanka siyaasada ah, laakiin wali Puntland waxa ay taagan tahay mowqif idinka dhan ah, sidee u aragtaa arintaa? ayuu Cali Khaliif Galeydh ku jawaabay in wax yiraahda Khaatumo baanu lahadalaynaa ay jiraan oo kaliya maamulka Somaliland , sidoo kale waxa uu sheegay in hadana Puntland ay sheegato shacabka Khaatumo Somalilandna ay sheegto dulka Khaatumo.

Dhanka kale Cali Khaliif Galeydh ayaa dowlada Federaal Soomaaliya eedeyn u jeediyey waxa uuna sheegay in aysan jirin dowlad Khaatumo wax u haysa, arintaasna waxa uu ku eedeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Cali Khaliif ayaa labadii habeen ee ugu danbeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa oo uu ku tegay safar dhulka ah.

Liban Yusuf
PUNTLAND POST