Al-Shabaab oo Tababar usoo xiray ciidamo Cusub oo Ajnabi ah

Muqdisho-[Puntland Post] Al-shabaab ayaa tababar u soo xirtay Ciidan cusub oo Kenyaan ah, kuwaa soo ka mid noqonaya Ciidamada Al-Shabaab ee weerarada ku qaadaya gudaha dalka Kenya.

Ciidamadaan ayaa tababarka waxaa uu soo xiray Afhayeenka  Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, isagoona sheegay in ciidamadaan ay yihiin  Ciidamo Kenyaan oo kusoo biiray Al-Shabaab, islamarkaana hadda ka dib weeraro ku qaadi doona dalka Kenya waa siduu hadalka u dhigaye.

Muuqaal Video ah oo ay baahisay garabka warbaahinta Al-Shabaab ee loo yaqaano Al-kataib ayaa waxaa ka soo muuqday dagaalyahano xirnaa dharka milateriga, wajigana u duubnaa, kuwaasoo dhoolatus ku sameynaya goob howd ah oo ay beero ku yaallaan.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST