Real Madrid oo ku guulaysatay Horyaalka Spain ee La Laga

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guulaysatay horyaalkeedii 33-aad ee La Ligaha dalka Spain, ka dib markii ay 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Malaga oo ay marti ugu ahayd gurigeeda

C. Ronaldo iyo Benzema ayaa ka caawiyey Real Madrid guusha, ka dib markii ay min hal gool dhaliyeen, waxaana Real horyaalka ugu danbeysan mudo laga joogo 5 sano.

Zinedine Zidane ayaa Real Madrid markii sii ugu horeysay horyaalka kula guulaysatay tan iyo intii uu tababaraha u ahaa.

Kooxda Barcelona oo ay aad u xifaaltamaan Real Madrid ayaa kula tartabaysay horyaal waxaana Real Madrid ay ka sareysay sedex dhidhcood oo kaleiya.

Real Madrid ayaa xalay saqdii dhexe dib ugu laabatay caasimada Spain ee Madrid waxayna kumanaan taageera yaasheeda ah kula tabaaldagtay bartamaha caasimada.

Real Madrid ayaa haysata fursad kale oo Dahabi oo ay koob kale ku qaadi karto markii ay 3-da bisha soo socota ee June ay Final-ka Champions League-ga isku arkaa kooxda Juventuus.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST