Trump iyo Hogaamiyaasha Islaamka oo galabta ku kulmaya Riyadh

Madaxweynaha dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo waftigii uu hagaaminayey ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhow oo galabta ah ka qeyb gali doona shirka hogaamiyaasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Downd Trump, kaas oo looga hadli doono ladagaalanka Argagixisada iyo arimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Downd Trump ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dheer oo u badan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo kaalinta uu ka qaadanayo Mareykanku.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarka ku weheliya Wasiirada, Arimaha dibada, Amniga, Gaashaandhiga iyo qorsheynta iyo sidoo Taliyaha Nabad sugida.

Shirka hogaaminayasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa Soomaaliya muhiim u ah, maadaama ay ka mid tahay dalalka ay ka jiraan ururada Argagixisada.

Liban Yusuf
PUNTLAND POSTÂ