Wasiir ku Xigeenka wasaradda Waxbarashada Puntland oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Gobalka Bari

Boosaso[Puntland Post]Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa maanta magaalada Bosaso ku Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Galaaska Afraad ee Dugsiga Sare iyo Galaaska Sideedaad ee Dugsiga Hoose dhexe.

Munaasabada Imtixaanka lagu Daah-furay ayaa ka dhacay Dugsiga Raascasayr, Ee  Boosaso waxaana ka qayb galay Maamulka gobolka Bari, Maamulka Degmada Bosaaso iyo bahda Waxbarashadda .

Ardayda ka qabgalysa imtaxaanka Ee Gobolada Puntland ayaa Tiradoodu ay gaaraysaa 12,687 Arday wiil iyo Gabdho isugu jira, waxaana Imtixaanku uu si rasmi ah uga wada bilowday 86 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol ee Puntland ay ka kooban tahay.

Tirada ugu badan ee Ardayda Imtixaanka u fariistay ayaa wax ka barta Gobolka Bari, waxaa Dugsiyada sare ee Gobolka Bari u fariistay 1266 arday, halka dugsi dhexena ay u fariisten 2568.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, ayna ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen.

Wuxuu intaas ku daray’’ Imtixaanka waxaa ardayga laga qaadaa labada marxaladood ee kala guurka ah, marka uu ka gudbayo marxallada dhexe ee uu 8 sano wax soo bartay, si loo qiimeeyo ardayga u gudbaya marxaladda Dugsiga Sare, sidoo kale waxaa imtixaankan u fariista ardayga dhammeeyey Dugsiga Sare oo u tallaabaya marxaladda Jaamacadda, waa laba marxaladood oo muhiim ah, loona baahan yahay in ardayga lagu sameeyo qiimayn dhab ah, taasoo uu qayb wayn ka yahay imtixaanka Shahaadiga ahi (Centralized Exam)’’.

Mar uu ka hadlayay Muhiimada Imtixaamka Shahaadiga ah ayaa wuxuu yiri’’ Imtixaanka Shahaadiga ahi kaalin mug leh ayuu ka qaataa tayada waxbarashada Puntland guud ahaan, wuxuu abuuray jawi tartan oo u dhexeeya ardayda u diyaargaroobaya imtixaanka, sidoo kale waxaa tartanka qayb wayn ka ah goobaha waxbarashada, maamulayaasha, macallimiinta, waalidiinta, madaxda gobollada.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada, ayaa Wasaaradda ku booriyay hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Puntland ay tahay Wasaarad tayadeedu ay aad u sarayso, isla markaana hormar balaaran samaysay mudadii ay shaqaynaysay.

Ugu dambayntii wuxuu Wasiirku si rasmi ah u Daah-furay Imtixmaanka Shaadiga ah ee Puntland.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST ,

BOOSASO