PUNTLAND POST oo baaritaan ku samaysay been abuur ka dhan ah D/hoose Garowe

PUNTLAND POST ayaa baaritaan dhab ah ku samaysay gabadh sawirkeeda loo isticmaalay Eedeyn ka dhan ah Xoghayaha Dowlada hoose GAROWE  Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, oo dad aan la garanayn maalintii shalay ay ku faafiyeen qaar ka mid ah baraha bulshada sida Facebook.

Waxaana lagu soo ogaaday baaritaanka PUNTLAND POST meesha laga soo xaday sawirka gabadhaan oo ah aqoonyahanad baal dahab ah ka gashay taariikhda Islamarkaana maamuus mug weyn ku dhex leh bulshada ku nool magaalada Burco, waxaana la yiraahdaa magaca rasmiga ee gabadha iska leh sawirkan Salma Cawil Saleebaan oo ka mid ah Ardeyda wax ka barta Jaamacadda Burco, gaar ahaan kulliyadda Caafimaadka, Taas oo markii u horreysay July 21, 2015 hal-abuur waxtar leh kusoo bandhigtay xafiiska kulliyada caafimaadka ee Jaamacada Burco.

Salma waxay samaysay baagagga gacanta lagu qaato ee adeega fudud lagu rito,waxay u samaysay si farshaxan iyo qurux leh ,waatan Salma oo ka hadlaysa sida ay ugu dhalatay fekredda curinta baagaga waxay tidhi: “Fekreddani waxay igu dhalatay intii aan Jaamacada Burco dhiganayey ,markii ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in la mamnuuco oo la joojiyo bacda wax lagu qaato,waxaana igu beermay inaan sameeyo wax soo saar cusub oo lagu bedelo bacan wax lagu qaato,” .

Xuquuqda sawirka waxaa leh: magudhenews.com @21 July 2015

Haddaba sawirka Salma oo loo isticmaalay been abuur baraha bulshada lagu faafiyay shalay 15 May 2017 ayaa laga soo xaday website-ka Magudhenews oo warbixin ka hadlaysa hal abuurka gabadhaan lagu daabacay sanadkii 2015-kii Akhri link-ga. http://www.magudhenews.com/warar/ardayad-ka-mida-ardayda-somaliland-ee-wax-ka-barata-jaamacadda-burco-ayaa-noqotay/.

Dhinaca kale Xoghayaha Dowlada hoose Garowe oo maanta wareysi kula hadlay PUNTLAND POST ayaa jawaab ka bixiyay Eedeynta loogu soo jeediyay oo ahayd inuu fal danbiyeed  u geystay Gabadh ka timid magaalada Burco .

Daawo Wareysiga Xoghaye Cabdiqafaar.

Ugu danbeyntii waxaa xaqiiqowday inuu been abuur  yahay qoraal hoose ee shalay lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha bulshada

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST