Wasaarada Waxbarashada Puntland oo wargalin kasoo saartay Imtixaanaadka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowlada Puntland  ayaa qodobo wargalin ah kazoo saartay habsami u socodka maamulka Imtixaanaadka oo ay sheegtay in looga sameeyay magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso xarumo lagu qeybinayo,iyadoo laga amba qaadayo Nabadgelyadda.

Warbxinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay hawlgali doonaan saraakiisha waaxda Imtixaanaadka iyo kormeerayaasha guud kuwaas oo ay sheegtay inay fududeyn doonaan maamulka Imtixaanka.

Waxaa ka mid ah qodobada Wasaaraddu soo saartay.

  1. Dhamaan Godoomiyeyaasha Waxbarashada Gobollada, Kormeerayaasha, ilaaliyaasha imtixaanaadka, ardayda iyo waalidkaba , Waxaa lagu wargalinayaa in nidaamkii imtixaan qaadisata wax wayn laga bedelay
  2. Kormeerayaasha iyo ilaaliyayaasha imtixaanaadka, kalkaaliyayaashooda iyo saraakiisha ka socota waaxaha imtixaanaadka iyo maamulka ee wasaaradda waxbarashada ee lagu qoray gobollada Bari, Sanaag, Haylaan iyo Gardafu waxaa lagu wargelinyaa in ay si toos ah isaga xaadiriyaan magalaada Boosaaso ugu dambyan maalinta arbacada ee bishu tahay 17/05, halkaas oo uu ka dhici doono kulankii wacyi gelinta ee hawl-wadeenada imtixaanka.
  3. Sidoo kale, kormeerayaasha ku qoran degmooyinka gobolka Mudug waxaa la farayaa in ay 17 bisha iska xaadiriyaan magaalada Galkacyo halkaas oo kuu ka dhici doono kulankii wacyi gelintu.
  4. Dhammaan hawl-wadeenada ku qoran gobolka Karkaar waxaa iyagana la farayaa in toos u aadaan magaalada Qardho.
  5. Kormeerayaasha, kalkaaliyayaasha iyo ilaaliyayaasha lagu qoray gobollada Sool, Cayn iyo Nugaal waxa ay igu toos u imaanayaan magaalada Garoowe.
  6. Dhammaan magaalooyinkaas waxaa lagu diyaariyay imtixaankii, halkaas ayaana laga qaadanayaa marka meelayntu dhammaato.
  7. Hawl-wadeenada imtixaanaadka ee sharafta mudan, waxaa lagu wargelinayaa inay muujiyaan xil kasnimo dheeraada ah ayna ku diyaar garoobaan guddoonada waxbarashada ee gobollada xilliga kor lagu soo sheegay.
  8. Haddaba, waxaan ka codsanaynaa hay’adaha dawladda ee kala duwan iyo qaybaha bulshadaba in ay kaalin mug leh ka qaataan meel marinta hawlaha imtixaanka maadaama uu yahay hawl qaran oo aan qofna lagu hallayn.

Mahadsanidin

Agaasimaha waaxda imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare

Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid)