PUNSAA iyo Wasaaradda Dastuurka Puntland oo shir uga qayb-gelaya Muqdisho

Garowe – Wefdi isugu jira wasaaradda dastuurka & arrimaha federaalka iyo dimuqraadiyada iyo urrurada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa maanta 13 May, 2017 waxay u amba-bexeen magaalada Muqdisho. Wasiirka dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Puntland Cali Ismaaciil Oog ayaana hoggaaminaya wefdiga.

Xubno shan oo ka tirsan urrurada bulshadda rayidka ah ee Puntland ayaa si is daba-joog ah uga qayb-geli doona shirar ku saabsan dib u eegista dastuurka iyo arrimaha federaalka oo toddobaadkan ka dhacaya Muqdisho, sida uu warfidiyeenada ugu sheegay Garowe Guddoomiyaha dalladda urrurada bulshada rayidka ah ee Puntland Faysal Axmed Warsame.

“Waxaan shirarka la tegi doonaa metelaad rasmi ah iyo inaan wax ku biirino dib u eegista dastuurka dalka oo ay tahay in ay bulshadu qayb ka noqdaan,” Ayuu yiri Faysal

Wada-tashiyo soconaya mudo labo sano ah oo hadafkoodu yahay in dib u eegis dhinacyo badan ah lagu sameeyo dastuurka dalka ayaa bilahan ay Muqdisho ka wadaa wasaaradda dastuurka ee dalku.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST