Gollaha Wasiirada Somalia oo xilka ka qaadey hanti-dhawraha qaranka

Wararka ay ka helayso Muqdisho warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya in Gollaha Wasiirada Soomaaliya oo caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn in xilka looga qaaday Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ilaaladiisu dil u geysteen Cabaas Siraaji Wasiirkii hawlaha guud.

Warar madax banaan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sidoo kale golluhu isku raaceen inuu qeyb ka noqonayo masuuliyada dilka Hanti-dhawre Nuur Faarax.

Tallaabooyinka xilka looga qaaday hanti dhawraha guud Dr. Nuur Faarax waxaa ka mid ah

  • Guddiga baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado.
  • 2- Inuusan u gurman isagoo mas’uul ah markii uu falku dhacay Wasiirka, isla markaana gaarigiisu ka dhaqaaqay goobta falku ka dhacay.
  • Wareysi uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahayd askar is rasaaseysay, uuna ku dhintay Wasiirku qaab shil,iyo guddiga oo soo bandhigay cadeymo muujinaya in hal xabo oo kaliya ay dhacday taas oo ahayd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.
  • 4-Inuu ahaa qoriga uu wax ku dilay mid aan sharciyeysnayn askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhawraha, Islamarkaana uu meel kale jirey qorigiisu.

Go,aanka kasoo baxaya Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli galabta aas qaran loogu sameeyay Muqdisho Wasiir Cabaas Siraaji oo xalay ay toogasho ku dileen ilaalada hanti dhawraha guud ee qaran.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST