Furitaanka Xafiiska Amal Bank Bacaadweyn iyo Daahfurka Maalgelinta Ganacsatada yar-yar ee Dumarka

Bank-ga Amal ayaa waxa uu xafiis bank ka furtay magaaladda bacaadweyn ee gobolka mudug. Maamulaha Amal Bank Bacaadweyn Mohamed omar diraac oo furay xafladda ayaa bayaamiyey ujeedada xafladda isla markaasna kusoo dhoweeyey Maamulaha bank-ga amal ee gobolka mudug Abdishakur hersi Qureh oo si aad ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in bank lagu xirnaado iyo in bank-gu yahay furaha hormarka bulshada.

Madaxa shaqada iyo shaqaalaha Amal Bank ee gobolka Mudug Gorod Farah Hassan ayaa bulshada reer bacaadweyn ugu hambalyeeyey adeegyada cusub ee Amal Bank u keenay isla markaasna kulana dardaarmay in ay ku faro adeygaan hormarkan usoo kordhay ayna ka faidaystaan adeegyada kala duwan ee Bank-gu u hayo

.

Madaxa suuqgeynta bank-ga Amal ee gobolka mudug Ahmed A. Aw-dahir ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday sharaxaadna kabixiyey adeegyada kala duwan ee bankigu bulshada bacaadweyn u keenay kuwaas oo ay kamid ahaayeen akoono kala duwan oo lajaanqaadaya qofkasta baahidiisa, adeegga maalgelinta ganacsatada yar-yar iyo maalgelinta.

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo kasoo qaybgalay xafladan ayaa waxa ay aad u soo dhoweeyeen adeegyada loo keenay iyaga oo dhanka kalana ku amaanay sida ay Amal bank u garabtaagantahay bulshada soomaaliyeed isla markaasna ay markasta kaga warqabto baahiyahooda.

PUNTLAND POST