Wasiir ka tirsan Somaliand iyo wafdi la socday oo shil gaari galay

Wararka ka imaanaya  Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa ku waramaya in Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeynta  Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) iyo xubno la socday ay shil gaari ku galeen waddada u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan, in shilkaasi gaari ay dhaawac fudud ka soo gaaray laba ka mid ah ilaalada wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeynta, iyada oo aanu shilkaas waxba ku noqon wasiirka, darawalkiisii iyo siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ka mid ahaa xubnaha Wasiirka wehelinayey.

Sidoo kale Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) iyo xubnaha la socday ayaa kasoo laabtay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal oo Mudooyinkii dambe ay howlo shaqo ay ku joogeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post