Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay dhagax dhiga Jaamacad laga Hirgelin doono Magaalada Adwa

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxdii  kale ee ka qayb gashay shirka madaxdda Africa ee Tana High Level Forum ayaa maanta gelin kii danbe 23 April 2017 magaalada Adwa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay munaasibad lagu dhaqax dhigayey  Jaamacad cusub oo dhowaan laga hirgelin doono magaaladaasi.

Jaamacadani cusub ayaa lagu magcaabaa Adwa Pan African taas oo ay tahay muhiimada loo aas-aasayaa in ay hoy u noqoto meel lagu xafido laguna kaydiyo taariikhda Africa iyo sidoo kale  dhaqanka soo jireenka ah ee Wadamadda Qaaradani.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay manaasimada lagu dhagax dhigayey jaamacadaasi ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay aas-aaska Jaamaca Adwa Pan African da’yarta African ka ah ee sookoraysa madaama ay goobtani ku baran doonaan dhaqamada soo jireen ka ah ee lagaga dhaqmi jirey kumanaan sano ka hor Qaaradani Africa.

‘’ Jaamacada Adwa Pan African ee maanta laga dhagax dhigayaa magaalada taarikhiga ah ee Adwa ayaa ah mid wax weyn tari doonta da’yarta amase dhalaanka Africa, maadaama ay goobtani waxkaga ogaan doonaan kagana baran doonaan taariikhda iyo dhaqamada kala duwan ee lagaga dhaqmo Qaarada taarikhiga ah ee Africa’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in jaamacadani noqon doonto kayd lagu kaydiyo dhaqamada kala duwan ee soo jireenka ah ee lagaga dhaqmo wadamadda ay ka kooban tahay Qaaradani.

Shirka Tana High Level Forum oo soconaayey 23-24-April 2017 ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia kaas oo lagaga arrimsanayey ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Alleh ku manaystay Qarada Africa, Amaanka, Siyaasada iyo adkaynta xidhiidhka wadamadda Qaarada Africa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xubin muhiima ka ahaa shirkaasi ayaa ku guulaystay inuu ku kordhiyo kuna booriyey madaxdi kale ee shirka kasoo qayb gashay talooyin wax ku oola kuwaas oo la taxa luqa ajan dayaasha lagu falan qaynaayey shirkaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.