Labo Musharax oo isugu soo haray Doorashadii Faransiiska

Emmanuel Macron oo ka socda xisbiga dhexe iyo haweenayda Marine Le Pe oo ka socota xisbiga midigta fog ayaa isugu soo harey wareega labaad ee ugu danbeeye ee doorashada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha soo socota ee May.

Natiijadii Doorashii shalay ee wareega kowaad oo latiriyey inta badan codadkii la dhiibtay ayaa muujisay in uu  Emmanuel Macron helay 23.9% halka Le Pen ay ka heshay 21.4%.

Macron iyo Marine Le Pe  ayaa loolan adag la soo galay musharaxiinta François Fillon oo siyaasaddiisu midig dhexe tahay iyo Jean-Luc Mélenchon.

Emmanuel Macron oo horey u soo noqday wasiirka dhaqaalah ee xukuumada hada talada haysa ee Francois Hollande ayaa dad badani u saadaalinaayaan in uu ku guulaysandoono Dooorashada dalkaas.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST