gudoomiyaha gobolka banaadir oo xilalkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenada gobolka banaadir

Waxaa goordhaweyd isbadal lagu sameeyay Gudoomiye ku-xigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir, kadib xil ka qaadistii gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Shiikh yuusuf Xuseen Jimcaal (Madaale).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa gacanta loo geliyay dhawaan warqada magacaabista xilalka cusub, Gudoomiye ku-xigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir, oo ay soo daabacaday wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya, waxaana sidoo kale soo dhamaaday La tashiyo uu Gudoomiyaha la sameeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkaan hoose ka Akhriso

1-G/kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sh.A.qaadir.

2- Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed

3-Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C.laahi Xaaji Erig.

4-Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho