“Buurtinle waxay tartan kula jirtaa Caasimada Puntland”Gudoomiye Buurdibi

Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane oo socdaal ku gaarey Magaalada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa halkaas kula kulmay Gudoomiyaha Degmada Buurtinle Maxamed Buurdibi iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal wuxuuna wax ka weydiiyay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin 21 qof oo u dhintay cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaano ka tirsan Degmada Buurtinle, Horumarka mudooyinkii u dambeeyay laga dareemayo magaalada iyo hawlo shaqo oo uu halkaas u tagay Taliyaha booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Xinjira dhuuq.

Gudoomiyaha Degmada Buurtinle Maxamed Buurdibi oo wax laga weydiiyay kobaca horumar oo mudooyinkii u dambeeyay ka muuqanaya magaalada Buurtinle ayuu sheegay Gudoomiye Buurdibi in shacabkiisu uga daydeen horumarka ay sameeyeen dadka ku nool Caasimada Puntland ee Garowe oo uu ku amaanay inay hormuud u yihiin horumarka ka jira Puntland.

Sidoo kale wariye Abshir Dhiirane oo Buurtinle kula kulmay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G.sare Cabdirashiid Xinjira dhuuq waxa uu ka wareystay arrimo la xiriira durkinta kastamkii horre ee magaalada oo qorshuhu yahay in loo raro meel cabaar ka durugsan magaalada iyo waxa uu salka ku hayo socdaalka uu ku tagey Buurtinle  Taliye Xinjira dhuuq.

Haddaba daawo wareysiyaddaan oo ah kuwo xiiso gaar ah xambaarsan .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST