Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Goordhow ka duulaya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka Muhiimka ah ee Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tagay Baydhabo waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh iyo ururada bulshada rayidka ah.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 10 bari kadib markii la doortay uu sidaan oo kale uu booqasho ku tagay magaalada Baydhabo.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho