Iskuul Casri ah oo laga hirgalinayo Garowe

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Abshir Aw-Yusuf Ciise ayaa maanta duleedka bari ee magaalada Garowe ka dhagax dhigay dugsi sare oo uu yeelan doono Iskuulka hoose/dhexe ee Al-Hikma.

Dugsigaan oo loo qaabeeyay hab casri ah ayaa ka koobnaan doona 15 qol, Masjid, 5 suuli, meherad, iyo goob gabdhu ku nastaan.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dugsigaan waxaa bixinaysa hay’adda Jordian Hashimi Charity Organization, Waxaana dhisaysa Ha’yadda Islamic Relief.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa sheegay dugsigaan inuu ahaandoono mid casri ah oo si weyn uga duwan dugsiyada kale, lehna habraaca dowladdu u dajisay xarumaha waxbarashada.

Wakiilada ka socday hay’addaha Islamic Relief iyo Jordian Hashimi oo dhagax dhiga ka halday ayaa sheegay dugsigaan inuu yahay midkii saddexaad oo ay ka hirgelinayaan Soomaaliya, iyagoo sheegay inay kusoo gaba gabayndoonaan muddo 7 bilood ah.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay dugsigaan cusub ee la hirgalinayo inuu qeyb ka yahay siyaasada balaarinta waaxbarashada Puntland, Wuxuuna sheegay wasiirku inuu dugsigaan ahaandoonin kii koowaad ee laga dhisayo Puntland.

Wasiirka waxbarashada ayaa u mahad celiyay hay’adda Jordian Hashimi Charity Organization oo ku deeqday dhaqaalaha lagu dhisayo dugsigaan iyo hay’adda Islamic Relief oo dhisaysa dugsiga.

PUNTLAND POST