Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacay fariisin Mareykanku uu ku leeyahay Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha hoose aaa ku waramaya in Al-shabaab Madaafiic ay ku garaceen garoonka melleteriga Balli-doogle oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo kuwa Mareykanka.

Idaacadda Afka Kooxda Al-Shabaab  ku hadasha ayaa sheegtay in 35 madfac lala helay gudaha garoonka Balli-doogle.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta lagu qaaday Garoonka Balli doogle ee gobolka Shabeelaha hoose, oo Saldhig malatari ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Mareykanka.

Garoonkan Balli doogle ee gobolka Shabeelaha hoose waxaa saldhig ay ka haadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka ku leh dowladda Mareykanka sidoo kale garoonka ayaa saldhig weyn u ah ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST