Wasaarada Qorsheynta Puntland oo qabatay kulan ku saabsan waxqabadkeeda

Wasarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa maanta ku qabatey Magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland kulan looga hadlayo waxqabadkii u qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey  2016, Qorshaheeda 2017-ka, iyo Sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Waxaa kasoo qeybgalay kulankaan Wasiirka, Wasiir kuxigeenka,Wasiiru dawlaha, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada, Madax Qaybeedyada, La Taliyayaasha iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland iyo Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay,addaha Dawlada ee UNDP-SIP( Strengthening Institutional Performance) .

Muuse Ducaale oo ah Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’addaha Dawliga ah UNDP-SIP (Strengthening Institutional Performance) oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ay ka mid tahay Hay’ddaha Dawliga ee ugu wanaagsan Puntland, Islamarkaana loo baahan yahay in mar walba la ogaado wixii u qabsoomay, caqabadaha iyo waxay qaban doonto Wasaaradu.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ee Puntland Mudane Axmed Ibraahim Cawaale ayaa dhankiisa sheegay inay shaqo wanaagsan qabatay Wasaaraddu Islamarkaana uu rajeynayo inay intaas kasii laba jibaari doonto shaqadii horre.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax oo si rasmi ah u furay shirkan dib loogu eegayo waxqabadka Wasaaradda iyo Qorshaha socda ee 2017-ka ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan qorshayaal badan oo u degan iney Wasaarada fuliso sanadkan, kuwaas oo ay ugu horeyso

  1. Hirgelinta Madasha Horumarinta Puntland (Puntland Development Forum) Iyada oo laga shaqaysiinayo Qaybaha is leh ee Shaqooying (Sector Working Groups) ka ku cad Qorshaha Horumarinta Puntland (Puntland Revised Development Plan)
  2. Siyaasada La Socodka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation Policy)
  3. Siyaasadda Deeqaha (Aid Coordination Policy)
  4. Sharciga Hay’addaha aan Dawliga ahayn (NGO Act)
  5. Sharciga Istaatistikada (Statistics Act)
  6. Istaraatiijiyada Istaatistikada (Statistics Strategic Plan)

SAWIRRO.

  Garowe

PUNTLAND POST