Turkiga oo u codeeyay Awooda Nidaamka Madaxweynaha

Xisbiga talada dalka Turkiga haya ayaa  ku guulaystay Afti Shalay dastuurka wax looga badalayey oo ka dhacday dalkaas.

Gudiga doorashooyinka ayaa Xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay in qolyaha taageersan HAA ay  heleen 51.37% halka mucaaradkuna  ay heleen 48.63% guud ahaan codadkii Shacabka Turiga dhiibteen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay natiijada ka dib in si Aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub, halka mucaaradkuna ay sheegeen in wax isdabamarin lagu sameeyay codbixinta.

Dastuurka cusub ayaa awood u siinaya madaxweyne Erdogan in uu magacaabo madaxweyne ku xigeenada, Wasiirada iyo Saraakiisha ciidamada, sidoo kale wuxuu faragalin ku samayn karaan waaxda cadaalada dalka.

Sidoo kale dastuurka cusub ayaa meesha ka saaraya Ra’iisul wasaaraha, iyadoo madaxweynuhu uu dalka ka talin karo muddo 10 sano ah oo labo xili doorasho ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadda Xafiiska sii joogi doona ilaa nsanadka 2019-ka.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST