Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Qaarada Africa oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf Ahmad Ahmad ayaa goordhaweyd Soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Wafdigaan waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo wasiirka Wasaarada dhalinyada iyo Sportiga dowlada Soomaaliya Marwo Khadiijo maxamed Diiriye.

Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf Ahmad Ahmad ayaa la kulmi doona intuu ku sugan magaalada muqdisho,Madaxda Xiriirka Kubada Cagta Soomaliyed, waxa uun sidoo kale booqan doonaa Garoomada Kubada Cagta Muqdisho iyo Xarunta Xiriirka Soomaaliyeed.

Booqashada Madaxweynaha Caf oo ah 57 Sano jir u dhshay dalka Madagascar ayaa Noqon doonta mid Taariikhi ah Maadaama uu yahay Gudoomiyihii ugu Horeeyey ee Xiriirka Kubada Cagta Africa ee booqasho ku yimaada Magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho