Hay’adda Sovoyodo oo xaflad Qalin-jabin ah u Qabatay Arday bartay xirfado kala duwan

Boosaso[Puntland Post]Arday isugu jira wilal iyo gabdho gaaraya gaaraya 50 ayaa maanta ka qalin-jabiyay xarunta tababarada ee hay’adda Sovoyodo ee magaalada Bosaaso ka dib munaasabad ka dhacday Hoteelka Jubba ee Bosaaso.

Waxaa ka soo qayb-galay xafladan madax ka tirsan dowladda Puntland oo ay ku jiraan xubno ka socday gobolka, degmada ,wasaarad-da waxbarashada iyo waliba qaar kamid ah waalidiinta Ardayda maanta qalin-jabinaysay.

Agaasimaha Hay’adda C/wali Xasan Gooni oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ardayda qalin-jabinaysa ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho dhamaystay xirafado kala duwan oo loogu tala-galay in shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Xirfadaha ay barteen waxaa kamid ah Dawaarka , Korontada , Soo dhaweynta iyo waliba shaqo guri ,waxaana ay isugu jiraan 30 gabdhood iyo waliba 20 wiil ” ayuu yiri Gooni oo ka hadlayay munaasabad-da.

“Ujeedka xirfadaha loogu abuuray dhalinyaradan waa in ay dalka wax ka qabsadaan lagana bad-baadiyo khataraha ku meegaaran sida tahriibka ” ayuu mar kale yiri agaasimaha oo sheegay in 150 arday ay ilaa iyo hadda tababareen.

Khadra Farah oo ka socotay hay’adda SOCA oo kormeerta mashruuca ardaydan lagu tababarayo ayaa ardayda ka codsatay in ay ka faa’idaystaan fursad-da la siiyay ee dhanka waxbarashada ah, isla markaana ay dusha kala socon doonaan xaalad-dooda.

Hay’adda Sovoyodo ayaa arday kasta oo dhamaystay xirfadaha Dawaarka iyo Korontada ku wareejisay qalabkii uu ka shaqa bilaabi lahaa ,iyada oo ay goob-joog ahaayeen xubno sar- sare oo ka tirsan dowladda.

Ugu danbayn ,Xildhibaanka arimaha bulshada ee dowladda Hoose Maax Colow ayaa hay’adda Sovoyodo ku amaanay shaqada ay soo qabteen ,waxaana uu dhalinyarada uga digay in ay tacab khasaaray ka dhigaan xirfadihii la soo baray.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POSTÂ