Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee Soomaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Cusub ee Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Mudane Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Vila Somaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul wasare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane Carte ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Ra’uusul wasare ku xigeenka cusub ee Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ballan qaaday inuu dhamaystiri doono hawlaha qabyada kahaa Carte,wuxuuna tilmaamay ineysan jirin Shaqaale uu wato isagoona xusay iney Xafiiskiisa kasii shaqayn doonaan Shaqaalihii hore.

CABDIQANI BOS

PUNTLAND POST