3 Ruux oo ku geeriyootay Muqdisho ka dib Miino ay Aasayeen oo ku Qaraxday

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo laga maqlayey jugtiisa qaybo ka mid ah magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya ,waxaana si gaar ah uu qaraxu kaga dhacay agagaarka Jaamacadda Simad ee ku taalla wada warshadaha.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan xaafadda uu qaraxu ka dhacay ayaa PUNTLAND POST  u sheegay inaysan ogeyn sababta keentay qaraxa xaafadooda ka dhacay Xalay Maadaama waqtiga qaraxu xilli habeen ah uu dhacay.

Waxaa Sidoo kale wararku ay intaa ku darayaan in qaraxa dhacay uu ka dhashay kadib markii raggii aasayey ay ku geeriyoodeen.

Hadda ayaa lagusoo waramayaa in Goobtii uu qaraxu ka dhacay ay yaallaan Meydka Sadax ruux oo lagu sheegay inay ahaayeen dadkii aasayey qaraxa xalay dhacay iyo gaarigii ay wateen.

PP Muqdisho